3 mins read

Maxaad ka taqaanaa magaalada aysan dowladda iyo al-shabaab toona maamulin?

Deegaanka Teedaan oo kamid ah magaalooyinka ku yaalla bariga gobolka Hiiraan ee laga saaray al-shabaab 10 bilood kahor ayaan wali laga hirgalin adeegyada dawladdu bixiso sida amniga, maxkamadaha, caafimaadka iyo waxbarashada.

Odayaasha deegaanka oo kaashanaya maleeshiyooyinka macawisleyda loo yaqaanno ee dagaalka kala hor yimid al-Shabaab ayaa nidaam maxalli ah u sameeyay magaalada, iyagoo ka shaqeeya aminga iyo xal u helidda murannada dhex mara dadka deegaanka kuwada nool.

Teedaan waxay qiyaastii 65 km galbeed uga beegan tahay degmada Maxaas. Guddoomiyaha magaaladaasi Gabaxeey Axmed Nuur ayaa weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan uga warramay sida Teedaan loogu nool yahay dowlad la’aan.

“Teedaan marxalado badan ayay soo martay iyo dagaallo iyo dhibaato laakiin hadda xagga amniga aad ayuu u wanaagsan yahay,” ayuu yiri gudoomiye Gabaxeey Axmed Nuur.

Sidee ayay 10 bilood dadka deegaanka keliya u xukumayeen Teedaan oo al-Shabaab laga saaray?

“Teedaan maaddaama aan annaga iska leennahay cadowgiina aan ka saarnay mas’uuliyadda na saaran ayaa ah inaan difaacno amnigeeda ka shaqeyno, hagaajinno waana ku qasbannahay. Midda kale ee ah xagga hormarinta iyo amnigii kale waxaa la weydiin karaa maamullada oo aan jirin wax dhankooda naga soo gaaray,” ayuu guddoomiye Gabaxeey Axmed Nuur BBC u sheegay.

“Magaalada waxaa mara waddada weyn ee ilaa gobollada dhexe, Boosaaso ilaa Mudisho. Teedaan waxaa toddobaadkii mara ilaa 150 gaari kuwaas oo wada raashiin, khudaar iyo wax walbo.”

Teedan, magaalo aan saldhig boolis lahayn, maxkamado aan lahayn, nidaam dowlad aan lahayn, sidee ayay dadku ugu nool yihiin?

“Waxay dadka ugu nool yihiin si adag, nolol layacan ayaa ka jirta, saas oo ay tahayna weli waan la tacaalnaa oo qabiil ahaan ayaan ula tacaalnaa annagoo la kaashaneyno nabad doonnada, macawiisleeyda xoreeyay deegaankan oo ku dhintay oo ku dhawaacmay oo dhiiggooda u huray, dhalinyarada iyo aqoonyahannada deegaanka,”

“Annagoo iskaashaneyno ayaa waxaan sameynay ciidamo madani ah oo macawiisley ah oo amniga ka shaqeeya. Waxaa ku yaalla kontrool ay joogan ciidamo amniga ilaaliya marka ciidamadaas ayaa taga meesha laga sheego oo la soo qabtaa, sidaas ayaa nabadgalyada lagu sugaa oo sidii booliska u shaqeyn jireen ayaanu isku xilqaannay inaan u shaqeyno inta dowladda naga soo gaareyso.”

“Maamulka Teedaan ka jira waa maamul maxalli ah oo ay dadka deegaanka soo doorteen oo iyaga rabitaankooda ay ku yimaadeen.”

Tan iyo markii deegaannadan laga saaray al-Shabaab, dowladda dhexe, xildhibaannada ka soo jeeda deegaanka oo federaalka ka tirsan dhammaantood waxay ka hadlayeen in deegaannada lagala wareegay al-Shabab xasilin loo sameeyo oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay ergay gaar ah balse guddoomiye Gabaxeey Axmed Nuur ayaa BBC-da u sheegay inaysan jirin cid ka socota dowladda oo u timid.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay dowladda ay idacadaha iyo telefishinnada farriin u mariyeen taas oo ay ku dalbanayaan inay dowladda u timaaddo oo kala shaqeyso dib u dhiska iyo amniga balse ma jirto ilaa hadda cid codsigooda ka soo jawaabtay.

Reer Teedaan maka cabsi qabaan in al-Shabaab ay dib u qabsato deegaanka?

Guddoomiye Gabaxeey oo su’aashaas ka jawaabaya ayaa sheegay inaysan hadda arrintaas kaga cabsi qabin dadka Teedaan, balse ay jiraan deegaanno kale oo looga cabsi qabo inay al-Shabaab dib ula wareegaan.

Xigasho:BBCSomali