1 min read

Imtixaanaadka shahaadiga ee Somaliland oo furmaya iyo gobolka Sool oo aan qayb ka ahayn.

Waxa berri subax Jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhowaaqday ee Somaliland ka bilaabmaya imtixaanaadka shahaadiga ah ee ardaydu kaga gudbaan dugsiyada dhexe iyo sare, sida ay xukumaddu sheegtay.

Ardayda gobolka Sool ayaanan u fariisan doonin imtixaanaadkaasidagaalka halkaa ka socda awgii.

Shaqaalihii imtixaanaadka ayaa xalay loo kala diray goobihii ay ka howl geli lahaayeen.

In kabadan 40,000 oo arday ah ayaa imtixaanaadka u fariisan doona iyadoo 3000 oo arday ah oo kasoo jeedaa gobolka Sool aysan ka qayb geli doonin sababo la xiriira dagaalka Laascaanood.

Somaliland yaa sheegtay in ardaydaasi ay ku qiimeyn doonaan natiijadii ay ka heleen imtixaanaadkii ugu dambeeyay.

Imtixaanka oo qabsomi lahaa toddobaad kahor ayaa dib u dhacay sababo la xiriira kaar qaybinta ay wadaan komishonka doorashooyinka balse xogaha qaar ayaa sheegaya dib u dhaca u uku yimid wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo gudoomiyaha imtixaanaadka kaasi oo weli aan xal rasmi ah laga gaarin.