1 min read

Al-Shabaab oo sheegay inay xukun dil ah ku fulisay 5-qof.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay xukun dil ah ku fulisay shan qof oo kale oo lagu eedeeyay “basaasiin”, waxaana xukunkan uu ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose Khamiistii shalay, sida ay sheegtay warbaahinta ku hadasha afka Al-shabaab

Shanta nin oo da’doodu u dhaxayso 28 ilaa 52 jir ayaa la toogtay.

Al-Shabaab oo aan soo bandhigin wax caddeyn ah, ayaa sheegtay in raggaasi ay “qirteen” in ay u basaasayeen dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa dadka ay soo taagto maxkamadaheeda aan u oggoleyn qareen difaaca, iyada oo dadka kasoo goostay ay sheegeen in xaakimkoodu uu go’aan iska gaaro marka qofka lasoo dacweeyo.