1 min read

Feysal Cali Waraabe “Ciidamada Somaliland waxay la wareegi doonaan Garoowe..”

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland  Faysal Cali Waraabe ayaa si kulul uga jawaabay hadalkii kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani ee ahaa in Somaliland ciidankeeda ka qaado Laascaanood.

Eng, Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in ciidanka Somaliland aan la qaadayn Laas-Caanood in ay sii socdaan mooyee, isla markaana hadii aan saan wax laga bedelin ay xaaladda sii adkaan doonto.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in hadii ay sii jirto xiisada Laas-Caanood leys kugu tegi doono Magaalada Garoowe, isaga oo Madaxweynaha Puntland ku eedeeyay in uu mas’uul ka yahay dhibaatada ka taagan Laas-Caanood.

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ayaa waxaa duleedka Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ka dhacayay dagaal u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ee SSC, kaas oo aan wax natiijo ah laga gaarin.