1 min read

Yaa ii sheegi karo? =Hala yaabin, Haddii Qof Xil sare doonayo layiraa…..?=

1. Hala yaabin, Haddii Qof Xil sare Mareykanka ka rabto uu taageero ka raadsado, Qowmuluudka. (F.S:1&2aad)

2. Hala yaabin, Haddii Qof Xil sare ka rabto Kanada, la hubiyo in uu kabo taaka leh ku soco karo. (F.S: 3aad)

3. Hala yaabin, in Reer Gaalkacyo oo aad u dhiifoon, in iyaga oo aan ogeeyn Ardaydooda Darbiga loogu dhajiyo Calaamada Qowmuluudka. (F.S:4aad)

4. Hala yaabin, Haddii Qof Muslim ah uu Xil sare ka rabto Dal yurub ah, sida Raisulwasaare, in CV-giisa laga fiiriyo, heerka uu taageersan tahay Qowmuluudka iyo Xiriirka kala dhexeeyo.

5. Hala yaabin, waxa naloo soo wado, in Ragga iyo Dumarka is guursanayo dharka loo kala bedelo. (F.S: 5aad)

5. Hala yaabin, Qofkii wax ka sheego Qowmuluud ama wax ka qoro, haba yaraatee in Culeeys la saarayo si uuna xil Siyaasadeed u qaban ama uuna shaqo uga helin Hayadaha Caalamiga ah, Bacdamaa ay Saameeyn ku leeyihiin Hayadahaa oo dhaqaalahooda ay qeyb ka bixiyaan.

6. Hala yaabin intaas, wax ka sii yaab badan ayaa jiro. Allaah ha naga najeeyo, wax lala yaabo oo kalena waa naloo qorsheeyay waana soo socdaan. Shartooda Allaah ha naga magan galiyo. Aamiin.

FG. Shakhsi gaar ah kama hadlayo ee waxaan ka hadlayaa dhaqamada wadamada kale iyo qorshahooda.

Yaa ii sheegi karo?

Yaa ii sheegi karo, Qodobadii ka soo baxay Shirkii Qowmuluudka ee Heerka Caalami ahaa ee Bishii June 2023 lagu qabtay Somaliya?.

Qore: Yahya Amir