1 min read

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo booqasho ku tagey magaalada Belgrade ee dalka Serbia.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuuuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo safar shaqo ku jooga dalka Serbia ayaa maanta kulan wax ku ool ah la qaatay Duqa Magaaladda Belgrade ee Caasimadda Jamhuuriyadda Serbia Mudane Aleksandar Šapić.

Kulankan waxaa guddoomiyaha Gobolka Banaadir ku wehlinayay Danjiraha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Serbia Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed iyo diblomaasiyiinta ka howlgala Safaaradda.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay dib u mataaneynta labadda Caasimadood ee Muqdisho iyo Belgrade,  In khubaro injineero ah loo diro Muqdisho, si ay daraasad rasmi ah ku sameeyaan habka biyo-mareenka ee Caasimadda Muqdisho iyo Qorshaynta habsami u socodka gaadiidka dadweynaha, gaadiidka gargaarka deg deg ah, gaadiidka Waxbarashada iyo maareynta saxmadda Magaaladda, sida wakhtiga ay socon karaan gaadiidka xamuulka wada iyo isticmaalka goobaha gaadiidka la dhigo.

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in Muqdisho iyo Belgrade ay beri lahaan jireen xiriir xoogan oo ku saabsan iskaashi Horumarinta labada Caasimadood oo u baahan in la sii xoojiyo.

Mudane. Aleksandar Šapić. Duqa Magaalada Belgrade ayaa sheegay in xiriirka labada Caasimadood uu ahaan jiray mid aad xoog badan. “Keydka xusuus dhowrka Belgrade waxaad ku arki kartaa sida ay u wada-shaqeyn jireen madaxda Muqdisho iyo Belgrade oo ay ka mid ahaayeen Mudane Axmed Maxamud Cadde, Mudane Yuusuf Ibraahim Cali, Mudane Cusmaan Maxamed Jeelle iyo Xasan Abshir Faasax “ayuu yiri Mudane Aleksandar Šapić.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulan gaar ah la qaatay Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Amniga Dowladda Serbia Col. Milos Andjic, oo uu uga mahad celiyay sida ay Serbia u dooneyso in ay gacan uga geysato Dowlad dhiska Soomaaliya.

Gudoomiye Madaale ayaa la kulmay shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ku takhasusay dhismayaasha buundoonyinka, waddooyinka iyo uruurinta dakhliyada canshuurta.