1 min read

Raila Odinga oo ku hanjabay in uu hor kacayo dibad baxyo kale oo ka dhaca Kenya

Hoggaamiyaha mucaardka Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in uu dadka Kenyaanka ah u horseedi doono in ay ka soo horjeestaan ​​in la meel mariyo hindise sharciyeedka Maaliyadda 2023 kaas oo uu ku tilmaamay ciqaab iyo dib u dhac ku yimid dadaallada lagu ciribtirayo faqriga dalka kajira.

Mr. Odinga, oo booqday Suuqa Toi ee Kibra oo la burburiyay Axadii la soo dhaafay, ayaa dhaliilay arrimaha ugu muhiimsan ee Hindise sharciyeedka oo ay ka mid yihiin canshuurta boqolkiiba 16-ka ah ee batroolka, canshuurta guryaha, iyo magdhowga caymiska.

Hogaamiyaha Azimio ayaa ka codsaday dowladda in ay billowdo wada hadal heer qaran ah oo looga hadlayo canshuurta adag iyadoo ujeedadu tahay in kenyaanka lagu qanciyo in ay taageeraan ajendaha halkii ay ku qasbi lahaayeen shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha in ay bixiyaan canshuurta boqolkiiba 1.5 ah.

“Sharciga Maaliyadda waxa uu muujinayaa ciqaabtii ugu dambeysay, Hadii uu halkan yimaado sharciga maaliyadda, dadka Kenyaanka ah ayaa noqon doona kuwa kaliya ee bixiya canshuurta, ma jirto cid dowladda ka mamnuucday in ay canshuur qaado, xarumo canshuur qaadis ayaa horay u jirtay, dowladdii Uhuru waxay dadka ka qaadi jirtay canshuur, wayna shaqaynaysay,” ayuu yiri.