2 mins read

Muxuu yahay Sicir bararka ay sababtay fannaanadda caanka ah ee Beyoncé ee ka dhacay Sweden?

Ma u malaynaysay in dagaalka Ukraine ama silsiladaha sahaydu ay sabab u ahaayeen kor u kaca qiimaha badeecadaha? Waan hubaa inuu jiro wax aadan ka aqoon Beyoncé.

Bilowgii dalxiiska fannaanadda caanka ah ay ku tagtay Sweden bishii hore waxa ay abuurtay kala duwanaansho wayn oo ku aaddan baahida hoteellada iyo maqaayadaha taasoo lagu arkay tirakoobka dhaqaalaha dalka.

Sweden ayaa lagasoo sheegay sicir barar ka sarreeya sidii la filayey oo ah 9.7% bishii May.

Kor u kaca qiimaha hoteelada iyo makhaayadaha ayaa noqday mid cajiib ah.

Michael Grahn, oo ah dhaqaaleyahan ka tirsan Bankiga Danske, ayaa sheegay inuu u maleynayo in Beyonce ay gacan ka geysatay kor u kaca qiimaha hoteellada.

“Kuma eedayn doono Beyoncé sicir bararka, laakiin wax qabadkeeda iyo dalabka caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu arko iyada oo ku sugan Sweden waxay u muuqdeen inay wax yar soo kordhiyeen,” ayuu kusoo qoray email-ka BBC-da.

Shaki yar kuma jiro in dalxiiskii ugu horreeyay ee fannaanadda muddo toddobo sano ah ay muujinayso waqtiyo dhaqaale oo waaweyn.

Raadinta hoyga magaalooyinka safarka ayaa kor u kacay ka dib markii lagu dhawaaqay socdaalkeeda, Airbnb ayaa werisay.

Tikidho badan ayaa la gaday maalmo gudahood qiimuhuna waa mid sare usii kacaya.

England, 60,000 oo qof ayaa soo gaaray Cardiff, oo ay ku jiraan taageereyaal ka kala yimid Lubnaan, Mareykanka iyo Australia.

Baahida loo qabo qolalka hoteelka ee lagu xiray bandhigeeda London ayaa ahaa mid aad u weyn.

Sicir bararka dalka Sweden ayaa bishii December gaaray 12.3 boqolkiiba.

In hal xiddig ay sameyso saameyn noocaas ah “aad bay dhif u tahay”, Mr Grahn ayaa u sheegay BBC-da, isagoo intaa ku daray in tartamada waaweyn ee kubbadda cagta ay saameyn isku mid ah yeelan karaan.

Waxa uu ku qoray baraha bulshada in uu filayo in isbeddellada ay kasoo laaban doonaan sidii caadiga ahayd bisha Juun.

Xigasho:BBCSomali