27 Jul, 2024
1 min read

War ku saabsan nin Soomaali ah oo lagu dilay dalka Uganda.

Kooxo burcad hubeysan ahaa oo u dhashay dalka Uganda ayaa magalada Kampala  ee dalkaasi Uganda waxaa ay dil iyo dhawac ugu gesteen Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku noolaa Magaalada Kampala.

Burcadda ayaa dhalinyarada ku weeraray guri ay daganaayeen oo ku yaalla magalada Kampala, waxaana weerarkaas ku geeriyooday alle ha u naxariistee Marxism Liibaan Maxamed oo ka mid ahaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Kampala, iyadoo qof kalana uu ku dhaawacmay.

Soomaalida ku nool Magalada Kampala ayaa  faah fahin kabixisay sida weerarka u dhacay iyo qasaaraha ka dhashay ayaa sheegay in warar kala duwan kasoo baxayaan weerarkaaso.

Soomaalida ku nool Magalada Kampala ayaa wajahaya cabsi kadib marka uu dhacay weerarkaan, waxaana Afhayeenka Ciidanka Booliska Uganda uu sheegay inay wadaan baaritaanka weerarkaas.