4 mins read

Ar, lagama fiirsadoo. ( Ogaal wadaag) Somaliya iyo Nageria oo lagu tiriyo wadamada Dunida ugu taajirsan maxaa ku dhacay?..

Somaliya iyo Nageria oo lagu tiriyo wadamada Dunida ugu taajirsan maxaa ku dhacay.

Nageria

Lacagta Nageria waxa ay aheyd mid ka Qiima sareyso Dollarka. 1Naira=1.5 $. 1Naira = 1£. Xaalado ayaa la abauuray kadibna waxaa loo soo diray Khubaro ka kala socoto Bangiga Aduunka iyo Jaamacadda Harvard. 1986 waxaa la go’aamiyay in Nageria ay Lacagteeda qiima rido, qiima dhacaa ayaa socday muddo 32 Sano ah oo usbuuc kasta la qiima tirayay, ilaa ay gaartay $1=527 Naira ka hoos.
Dulsaarkii Lacagta laga amaahdo Bangiga “Rate of interest” ayaa garay 30%.halkaana waxaa ku istaagay amaahdii Beeraha iyo warshadaha yar yar.
Nageria, waxa ay noqotay Dal fakhri ah,wax kastana Dibadda looga keeno, sanadkii waxaa Dibadda looga keenaa yaanyo qiimaheedu gaarayo $400 Million, Findhicilka ilkaha oo Qiimihiisu gaarayo $18 Million, waxyaabaha kale Adigu maleey.

Mr. Sanuzi Gudoomiyihii Bangiga dhexe ee Nageria iyo Rag kale oo aan mar kula kulmay caasimadda Nageria, waxa ay ii sheegeen in aynan ka bixi karin Dabinkaan ilaa ay helaan Dowlad adag, Dalal iyo Ganacsato Ajnabi iyo Nageria isagu jirto ayaa joogaan, waana lagu dilaa haddii aad isku daydo in laga baxo xaaladaan. Kuwaa oo og hadii aan ka baxno xaaladaan in iyaga dhaqaalahoodu uu hoos u dhacayo, Dhabaatadan waxaa qeyb ka ah nooca Federaalka Dalku qaatay oo ah nuuc gaar ah oo Afrika loogu tala galay. (F.S:1aad)

Somalia

Somaliya. 1976 Aniga oo Arday ah ayaa saaxiibkeey Somaliya oo Badmaax ahaa Cali Macalin Muxudiin, waxa noo sarifay $200 waxa uuna noogu sarifay 1000 Shillin. $1=5 Sh.So. Maanta 1000 Sh. So. wadada ka qaadi meysid.

In kasta oo Abaaro ay dhaceen 1974-75 hadana uu raacday hoos u dhac dhaqaale, sicir bararkiina uu laba jibaarmay, Miisaaniyadii Dowladuna ay hoos u dhacday defit $99 Million. Import & Export waxa ku dhacay isbedel ah 17%iyo 34%
Franco Valuta ayaa shaqey weyday, 1983 waxaa la ogolaaday Sabeeynta sarifka, waxaaba lagu ceynatay Dowladda Sucuudiga oo Bilawgii 1982 na siisay Shidaal sadaqa ah ” Oil grant” .

Xaalado ayaa naloo abuuray, Dowladii waxa ay bixi weyday mushaarkii shaqaalaha, waxaa noo yimid Bangiga Aduunka iyo Hayado kale, bartamihii 1981 Dowlada waxaa la faray in Shillin Somaliga la qiima rido 50%, waa la ogolaaday, waxaa la bilabay Supporting progaram ee Dalalka Somaliya iyo Mali. Maanta labadaba Lacagtoodu ma shaqeyso ama qiimaba male. Go’aankii Masuuliyiintii Maalintaa joogtay ay qaateen waa kan maanta aad dareemee.

Ilaa Maanta waxaa nagu soo noqnoqonayo isla Hayadihii Lacagaha Aduunka, mid leh Deyn ayaa la idinka cafinaa, mid leh Amaah cusub ayaa la idiin ogolaanaa, kuli shuruudo ayaa la socdo, iska fiiri, hadeynan ku anficin Diid sida wadamada qaar.

Dhibaatada waxaa ka mid ahaa wakhtigaa ilaa Maanta in masuuliyiinta Maaliyada iyo Bangiga dhexe aan lagu xulin khibrad, kuwa khibrada leh ee la magacaabana aan la siin awood ay wax uga qabtaan oo ay go’aan samata bixin ah ku qaataan.

Hore waan uga soo shaqeeyay Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga dhexe. Laakin madax sare kama noqon. Sababta oo aheyd Aniga oo aan laheyn khibradii la iiga baahnaa, welina xilalka qaar uma lehi khibradaa. Tusaale: Shuruudaha looga baahan yahay Gudoomiyaha, ku xigeenka ama Agaasimaha Bangiga dhexe ee heerarka shaqo ee uu ka soo maray isla Bangiga malihi, laga yaabee in Qof aan weligii Bank ka soo shaqeeyn in loo dhiibo. Koleeyba Anigu wax kasta oo dhaco ma qabteen, xilaalkaa oo u baahan khibrad shaqo oo kobciso aqoonta, Maaliyaduna waa la mid, waan ka xishoonaa in aan iraa waa daadiyay, Dayaarad aanan u leheyn khibrad in aan Duuliyo oo aan haligu shacabka. Dad ayaa in badan igu yiri: Dhaqaalayahan ayaa tahay ee Xilkaa raadso. Waan ahay, laakin shuruudihii dhinaca khibradda ma wada buuxi karo, Lacag hel darteed xil kasta looma qabto, Hamiga Lacagtuna iguma badno.

Hayadaha Dhaqaalaha oo kaliya ma ahan ee Wasaarado badan oo Afrika iyo Somaliyaba ah ayeey ka jirtaa Xaaladaan Xil loo magacaabo Qof aan Buuxi karin shuruudaha.

FG: Talada Hayadaha Caalamiga ah iyo Xilalka aan khibradda loo fiirin ha laga fiirsado, waa iga talo.

Qore: Yahya Amir