1 min read

Putin oo ka hadlay weerarka ka dhanka ah Ruushka ee Ukraine ay soo qaaday.

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa ku andacoonaya in duulaanka iska caabinta ee Ukraine uu ahaa mid aan lagu guuleysan, iyadoo ciidankooda uu la kulmay khasaarooyin kala duwan.

Isagoo ka hadlayay shir ay yeesheen wariyaasha dagaalka soo tabiya ayuu sheegay in khasaaraha Kyiv soo gaaray uu ku wajahan yahayin u gaaro heer “masiibo ah”.

Taasi lama xaqiijin, waxaana madaxweynaha Ukraine Zelensky uu beeniyay in weerarka ka dhanka ciidamada Ruushka ah uu fashilmay.