1 min read

Dagaalka Baraawe iyo Digniintii Dooliga!!!!..

Baraawe Dagaalaa ka dhacay. Maxaa iga galay, Aniga ima khuseeyo.

Dooli ayaa waxa uu ku noolaa Guri Nin Beeraleey ah. Waxa uu arkay Xaaskii Beeraleyga oo u dhigeyso Birtii Dooliga.

Waa orday si uu ugu digo Xayawaanka kale ee Guriga kula noolaay. Waxa uu u tagay Dooradii Guriga Joogtay. Waxa uu u sheegay khatarta Birta Dooliga ee Guriga taal. Dooradii ayaa tiri: Aniga ima khuseeyso Bir Dooli.
Waa ka tagay, waxa uu u tagay, Wan Guriga ku xirnaa. Wankii ayaa ku yiri: Aniga Bir Dooli Cabsi iguma heyso, imana khuseeyso. Waxa uu u tagay Sac Cidda u Xirnaa. Waxa uu ku yiri: Aniga Bir Dooli ima dili karto, imana khuseyso.

Habeenkii ayaa Birtii shanqartay. Xaaskii Beeraleyda ayaa ku soo kacday, shanqartii Birta, waxa ay aaday Birtii. Qolkii oo mugdi ahaa si fiican ayey u arki weyday waxa ku dhacday Birta. Birtu waxa ay Dabada ka qabatay Abeeso. Abeesadii ayaa Lugta ka qaniintay Xaaskii.

Xaaskii waa xanuunsaday waxna waa cuni weyday. Seygeedii ayaa u qalay Dooradii si uu Maraqeeda u cabsiiyo. Kuma reeysan, waxaa u yimid Deriskii si ey ugu duceeyaan. Waxa uu u qalay Wankii. Maalma kadib islaantii ayaa geeriyootay. Sicii ayaa loo qalay Dadkii ka soo qeyb galay aaskii iyo Tacsidii Xaaskii Beeraleeyga. ( F.G: 1-3)

FG. Ha noqon sida Xoolihii la noolaay Dooliga. Ha dhihin, maxaa iga galay Dagaalka Baraawe, waxaa laga yaabaa in dhibtu Toos kaaga soo gaarto meel aadan u maleyneeyn. Sidoo kale Dagaal kasta oo Somaliya ka dhaco dhibtu waa ku soo gaari kartaa. Dagaalka Baraawe waa ku khuseeyaa.
Nabad Alla haka dhigo Baraawe.

Qore: Yahya Amir