1 min read

Dad isku qoys ah oo uu madfac kula habsaday Bariirre.

Deegaanka Bariire ee ka tirsan gobolka shabeelada Hoose madfac hoobiye ah ayaa ku habsaday qoys huradaya oo deganaa deegaankaas , Qoyskaas oo ka koobnaa shan qof ayaa shantoodiiba ay dhaawacmeen.

Dhaawaca qoysakaas ayaa abaare Labadii habeenimo lagasoo qaaday Bariire oo la keenay magaalada Muqdisho iyagoo dhaawaca qaarkood ay jidka kusoo dhiig-baxeen, waxaana la dhigay cisbitaala Madiina .

Ehelada qoyska oo ay BBC la hadashay ayaa sheegay in dadka dhaawawacmay ay ahaayeen aabihii , hooyada iyo sedex caruur ah oo ay dhaleen.

Eheladada qoysku waxa ay duqeynta ku edeeyeen ciidamada Ugandha iyaga oo intaasi ku daray in ciidamda Ugandha ay habeenadii lasoo dhaafay oo dhan ay madaafiic tuurayeen.

Laakin ilo maadxbanan oo xaqiijinayo halka madfacasi ka yimid lama hayo. xiriir aan la sameeynay ciidamada ATMIS nooma suurtagelin in aan wax jawaab ah ka helno