1 min read

Hay’adda Duulista Rayidka ah oo sheegtay in aanay waxba iska bedelin nidaamka fiisaha dal ku galka ee Soomaaliya.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), ayaa hadal qoraal ah oo ay soo saartay, waxay ku wargelinaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo cidda ay quseyso “in aan looga baahneyn in ay horay usoo qaataan fiisaha dal kugalka.

Hay’yadda oo qoraalka ku daabacday boggeeda Facebook ,waxa ay sheegtay “in qof kasta oo Soomaali ah ee sita baasaboor kasta ama haysto laba dhalasho iyo goob walba oo uu ka soo dhoofayo” in fiisaha dal ku galka laga siin doono, garoommada dalka, taas oo sidoo kalena lagu wargeliyay diyaaradaha duulimadyada ku imaanay Soomaaliya.

Wargelintan kasoo baxday Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa meesha ka saaraeeyso warar aan la xaqioijino maalmahii lasoo dhaafay la,isla dhexmarayey kuwaas ahaa in Soomaalida haysata baasaboorada shisheeye laga doonayo in ay fiisaha horey usii dalbadaan.