2 mins read

Baarlamaanka Soomaaliya oo Guddi u magacaabaya Dagaalka Baraawe.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo maanta shir Guddoomiyaya Kulanka Golahaas ayaa sheegay in Guddi loo magacaabayo dagaalka Baraawe ka dhacay ee dhexmaray Ciidamada Militariga DF & Kuwa Daraawiishta DG Koofur Galbeed.

Aadan Madoobe waxa uu sheegay in Baarlamaanka uu wakil ka yahay Shacabka sidaas awgeed dhibaatada gaarto loo baahan yahay si sharci ah loo xaliyo loogana daba-tago, wixii hadda ka dambeeyana dagaalkaas loo xilsaarayo Guddi baaris ku sameeya.

Marka lasoo gudbiyo xaqiiqada iyo cidda leh mas’uuliyadda dagaalka Baraawe ayuu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Sheekh Aadan Madoobe in lala xisaabtami balse inta ka horreysa laga warsugo.

“Waa Waajibaad guud ahaan na saaran, Xildhibaanka Deegaan Doorashadiisu tahayna si gaar ah ayay usii saaran tahay, marka la eego arrimahaan Baarlamaanka waa in la baaraa oo Guddi loo saaraa sida uu xeerkeennu na faraayo, Aniga oo Xeer hoosaadka raacayo arrintaan waa laga hadli balse marka hore Guddi ayaan u saari doonnaa kaddib ayaan hadli doonnaa” ayuu yiri Aadan Madoobe.

Xildhibaannada doodda ka qaba arrintaan ayuu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS Sheekh Aadan Madoobe ugu baaqay in ay sugaan illaa inta xaqiiqada laga soo gudbin doonno maadaama aanay jirin qof sharciga ka weyn.

Waan ogahay in dhammaantiin hadal idinka buuxo oo wax dhibsaneysaan laakiin aniga oo raacayo xeer hoosaadka marka hore waa in aan ogaanaa Yaa dhibaada meesha kawada? Maxaa la isku dilay? Yaa dilay? Yaa dhibaatada halkaas kawada? Ciidanka Koofur Galbeed & Militariga SNA Maxay isku heystaan? Waxaa si degdeg ah u magacaabaneynaa Guddi soo baara” ayuu sii raaciyay Guddoomiye Aadan Madoobe.

Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo ah Caasimadda Dastuuriga DG Koofur Galbeed waxaa Axaddii ku dagaalamay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta DG Koofur Galbeed, waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac & saan-saan aan wanaagsaneen oo weli ka taagan Magaaladaan Xeebta leh.