1 min read

Madaxweynaha Galmudug oo qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa aqalka Madaxtooyada Galmudug ku qaabilay wafdi ay hoggaamineyso safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann.

Kulanka oo uu goobjoog ahaa Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa looga hadlay xaaldda guud ee dalka, dimuqraaddiyeynta, kaabayaasha dhaqaalaha iyo mashaariicda midowga Yurub ay ka wadaan deegaannada Dowladda Galmudug.