1 min read

Weerar loo adeegsaday gaari oo ka dhacay magaalada Nottingham ee UK.

Booliiska magaalada Nottingham ee dalka Ingiriiska ayaa xiray nin soddon iyo kow jir ah oo looga shakisan yahay dil ka dib markii maydadka saddex qof laga helay laba waddo oo kala duwan.

Waxay sheegeen in saddex qof oo kale ay sidoo kale isbitaalka ku jiraan ka dib markii darawalka gaari uu damcay inuu jiirsiiyo.

Booliisku waxay rumeysan yihiin in shilalku ay xiriir leeyihiin.

Taliyaha Ciidanka Booliska, Kate Meynell, ayaa ku tilmaantay dhimashada mid naxdin iyo murugo leh.

Raiisel wasaaraha Ingiriiska, Rishi Sunak, ayaa uga mahad celiyay booliska kahortagga deg dega ah ee ay sameeyeen.

Gaadiidka qaar ee caasimadda ayaa la hakiyay waxaana la xiray waddooyin badan.