1 min read

Midowga Afrika oo ku dhawaaqay in qaar kamid ah saldhigyada ATMIS lagu wareejinayo Ciidamada Soomaaliya.

Guddi ka socday Midowga Afrika ayaa soo gebagebeeyey socdaal xaqiiqo raadin ah oo ay ku yimaadeen Soomaaliya, si ay u qiimeeyaan xaaladda amniga ka hor qorshaha dhimista ciidamada ATMIS.

Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka ATMIS, ayaa shaaca ka qaaday in dhowr Saldhig oo Horudhac ah lagu wareejin doono Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed laga bilaabo June 15, 2023.

Madaxa howlgalka ATMIS wuxuu sheegay inay dhimayaan tirada ciidamadooda 2000 oo askari ah, dhamaadka bishan illaa bisha September 2023.

Dhawaan ayay ahayd, markii Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ay si rasmi u sheegtay  dhimista tirada ciidamada ATMIS ee ku sugan dalka, iyadoo xaqiijisay in dowladdu ay ka go’an tahay inay mas’uuliyadda amniga kala wareegto ATMIS.

Wasaaradda gaashaandhigga waxay sheegtay in 2000 oo ka mid ah ciidamada ATMIS-ka laga saari doono Soomaaliya marka la gaaro dhamaadka bishan June 2023.

Wasaaraddu waxay sheegtay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay inay abuurtay ciidamo taageero ka helaya saaxiibadeeda caalamiga ah, kuwaas oo la wareegi doona mas’uuliyadda amniga 2000 oo kamid ah ciidamada ATMIS ah.

Inkastoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in la dhimayo tirada ATMIS, haddana qaar kamid ah madaxda dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay in ciidamada ATMIS la dhimo, iyadoo aan la xaqiijin in ciidamada Soomaaliya ay la wareegi karaan masuuliyadda amni ee dalka.

Shir madaxeedka IGAD ee ka dhacay dalka Jabuuti ayaa lagu gorfeeyay xaaladda amni ee Soomaaliya iyo dhimista ciidamada ATMIS.