1 min read

Puntland oo xukun ku ridday dhallinyaro tacaddi kula kacay qoys danyar ah.

Maanta oo Talaado ah ayaa Maxkamada Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari Puntland  waxaa ay xukuntay shan dhallinyaro ah oo lagu helay in qoys danyar ah oo ku nool Magaalada Boosaaso dhawaan kula kaceen fal tacadi ah.

Dhallinayaradan oo Maanta Maxkamadda la horgeeyay ayaa lagu riday xukunno u dhaxeeya shan sano illaa iyo lix shan sano oo xabsi ah iyo sidoo kale min afar kun oo Dollar.

Laamaha amniga Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay dhallinyaradan, kuwaas tacaddi fool xun u geystay qoys danyar ah oo kamid qoysaska la hayb sooco ee ku nool magaalada Boosaaso.

Muuqaalo ay Dhallinyaradan duubeen ayaa baraha bulshada la soo dhigay kaas oo ahaa in Qoyskaa degan Boosaaso oo xillihabeen ah  gurigooda hurda, ay dhalinyarada u geysanayaan jirdil iyo handadad kale oo dil ah.

Sababta falkaan keentay ayuu booliisku sheegay inuu salka ku hayo dad isku aflagaadeeyay barta Tiktok, taasoo dhalisay in loo dhibaateeyo qoyskan.

Dadweynaha ayaa si aad ah uga carooday falkaan, iyagoo ku tilmaamay xad gudub weyn oo ka dhan ah biniaadinimada iyo dhaqanka Soomaaliyeed.