1 min read

In ka badan 20 Askari oo Mareykan ah oo ku dhaawacmay shil Diyaaradeed.

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in 22 Askari oo ka tirsan Ciidamada Mareykanka ayaa ku dhaawacmay shil diyaaradeed oo ka dhacay waqooyiga Suuriya gabal dhacii shay.

Sidokale, Taliska dhexe waxuu sheegay in baaritaan lagu hayo sababta shilka keentay, isagoo intaa ku daray in goobta ay ku sugneyd diyaaraddaha helicopter-ka aysan ka dhicin wax rasaas ah xilliga uu shilku dhacayay.

Askarta dhaawacantay ayaa intooda badan lagu dabiibayaa gudaha Suuriya, halka 10 ka mid ah la sheegay in gudaha dalkaasi waxba looga qaban waayay loona wareejiyay waddamo ka baxsan bariga dhexe.

Dalka Suuriya ayaa waxaa ku sugan ilaa 900 oo ka mid ah Askarta Mareykanka, kuwaasi oo saldhigyo ku leh gobollada waqooyi bari ee Suuriya, si ay ula dagaalamaan maleeshiyaadka Daacish.

Bishii Maarso ee la soo dhaafay, 23 Askari oo Mareykan ah ayaa dhaawac ka soo gaaray labo weerar oo ay geysteen maleeshiyaadka Daacish, sida uu sheegay militariga Mareykanka.