1 min read

Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka 19 ka tirsan maleeshiyad Al-Shabaab.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgal ay ka sameeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibada caalamka Tuulada Buula Maxamed Cabdalla hoos tagta degmada Awdheegle ee Gobalka Shabeellaha Hoose ay ku dileen 19 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in halgalkan ay si wadajir ah u sameeyeen ciidamada sirdoonka iyo saaxiibada caalamka.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa laga soo xigtay in sidoo kale ‘la burburiyay gaadiid iyo hub ay Al-shabaab lahaayen.’

Waa hawlgalkii labaad oo toddobaadkan ka dhaca gobolka Shabeellaha Hoose, iyada oo Arbacadii ay sidoo kale dowladdu sheegtay dilka 20 ka tirsan Al-shabaab, kadib ‘howlgal qorsheysan’ oo ka dhacay deegaanka Beledul Amiin.