1 min read

Hay’adda UNICEF oo ka hadashay Qarax sababay dhimashada 22 Caruur ah.

Hay’adda UNICEF ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay sida ay uga naxday wararka sheegaya “in ugu yaraan 22 caruur ah ay ka mid yihiin 27 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.” Hay’adda ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in dadkaasi ay dhinteen ka dib markii haraaga walxo qarxa ay ku qarxeen goob ay caruurtu ku ciyaareysay.

“Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u direynaa qoysaska dhibanayaasha, waxaana u rajeyneynaa kuwa dhaawaca ah caafimaad degdeg ah. Ma ahan in qoysna uu ilmihiisa ku waayo xaaladdan murugada leh,” ayay tiri UNICEF.

“Dhacdadan naxdinta leh ayaa hoosta ka xariiqeysa muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyada isku haya Soomaaliya ay si taxaddar leh u maareeyaan walxaha qarxa, la nadiifiyo haraaga miinooyinka iyo walxaha aan wali qarxin, iyo in la kordhiyo wacyigelinta ubadka iyo bulshada ee khataraha ku gedaaman miinooyinka.”

UNICEF waxa ay sheegtay in ay saaxiibadeeda maxalliga ah kala shaqeyneyso in gargaar loo fidiyo shakhsiyaadka iyo qoysaska ay dhibaatadu saameysay.

Shalay ayaa tuulada Muraale ee hoostagta degmada Jannaale waxaa qarax ka dhacay deegaankaasi uu dilay 27 qof, sida uu VOA u sheegay Guddoomiyaha Jannaale Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdinuur al-Cadaala.

Guddoomiye Cabdiraxmaan ayaa VOA u sheegay in walaxdan ku qaraxday dadka deegaanku inay u muuqato, mid ay ahayd in loo adeegsado weerarada ka dhanka ah ururka al-Shabaab, hase ahaatee aanay qarxin xilligaas.

Waxaa jira halis, soo noqnoqota oo ku aaddan, hubka iyo walxaha qarxa ee loo adeegsado weerarada ka dhanka ah al-Shabaab, taas oo mararka qaarkood, laga helo goobaha miyiga ah, iyaga oo aan qarxin, waxaana ay walxahaasi galaaftaan nolosha dad badan oo rayid ah, sida dhacdadan ugu dambaysay ee ka dhacday deegaanka Muraale oo 12 KM u jirta Jannaale.