1 min read

Madaxweyne Xassan Sheekh iyo wakiilka gaarka ah midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya oo kulmay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wakiilka gaarka ah midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mohamed El-Amine Souef oo ku kulmay madaxtooyada Soomaaliya ayaa kawa wadahadlay habraaca dhimista ciidamada ATMIS oo Soomaaliya ka baxaya dhamaadka sanadka 2024 iyo ku wareejinta amniga ciidanka Soomaaliya.

Wakiilka ayaa waxaa wehlinayay taliyaha guud ee ciidamada ATMIS Sam Okiding oo kulan qeyb ka ahaa.

Sida ay qortay warbahinta qaranka Soomaliya, Ambasadoor Mohamed El-Amine ayaa soo dhaweeyaya dagaalka ay Soomaaliya kula jirto Al-shabaab iyo dardargelinta howlgallada wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab.