1 min read

Darawalada Gaadiidka Muqdisho oo lagu amray inaanay qaadi karin askarta.

Shir ay yeesheen saraakiisha hay’addaha amniga ee Gobolka Banaadir ayaa laga soo saaray amarro ay kamid yihiin in wadayaasha gaadiidka dadweynaha aanay qaadi karin askarta meel waloo ay ka tirsan yihiin.

Gadiidka dadweynaha ee laga mamnuucay inay qaadaan askarta waxa kamid ah basaska, mooto bajaajta iyo mootooyinka labo lugaaleyda ah.

Gadiidka dadweynaha ee amarkan lagu soo rogay haddii ay u hoggaansami waayaan, waxa la yiri, waxa lala tiigsanayaa sharciga.

Amarkan ayaa yimid kaddib markii habeenkii Jimcaha koox ka tirsan Alshabaab oo ku labisan dharka ciidanka ay weerarreen maqaayad ku taala xeebta Liido, halkaas oo ay ku dhinteen 16 qof.