1 min read

72 kun oo Taageerayaal ah oo daawan doona ciyaarta finalka Champion League ee Istanbul.

Taageerayaal gaaraya 72 kun ayaa filayaa in ay yimaadaan ciyaarta finalka Champion League ee garoonka Atatürk Olympic Stadium ee magaalad Istanbul .

Waxaa goor dhaw magaalad Istanbul ee dalka Turkiga ka bilaaban doono Ciyaar kubadda cagta ah oo si weyn loo sugayey taas oo go’aamin doonto Kooxda ku guuuleesan doonta horyaalnimada xilli ciyaareedka 2022-2023 ee UEFA Champions League . kooxda Manchester City ee dalka Ingiriiska iyo kooxda Inter ee dalka Talyaaniga ayaa fooda is dari doono .

Labada kooxood ayaa ku kulmi doona garonka Atatürk Olympic Stadium saacadu marka ay tahay 22:00 waqtiga Afrika .

Ciyaartan final-ka ah , Manchester City oo uu hogaamiyo Pep Guardiola ayaa hiigsanaysa in ay qaado koobkeedii ugu horeeyay halka Inter ay markeedii afraad hanan doonto hadii ay ku guuleeysato.

UEFA ayaa sheegtay in ku dhawaad ​​72 kun oo taageerayaal ah ay iman doonaan finalka garoonka Atatürk Olympic Stadium.