1 min read

Booliska Soomaaliya oo faah faahin ka bixiyay weerar xalay fiidkii ka dhacay hoteelka Pearl Beach

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa war ka soo saaray weerarkii xalay lagu qaaday hoteelka Pearl Beach oo ku yaalla agagaarka xeebta Liido.

Booliska ayaa warsaxaafadeedkan ku shaaciyay in weerarka ay ku dhinteen 6 qof, halka 10 kalena ay ku dhawaacmeen, 84 qof oo shacab ah oo ay ku jiraan carruur yar yar, dumar iyo dad waayeel ahna laga soo badbaadiyay hoteelka.

Hoteelka Pearl Beach ee xeebta Liido, oo ay dadku u caweysin tagaan.

Sidoo kale Booliska waxay sheegeen in saddex askari oo katirsan ciidanka ammaanka ay weerar kaa ku dhinteen.

Warsaxafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ay soo gababagbeeyeen weerarka hoteelka.

Xalay fiidkii ayay rag hubeysan gudaha u galeen hoteelka, halkaasoo qaraxyo iyo is rasaaseyn ay ka dhacday.