1 min read

Madaxweynaha Zambia oo la wareegay xilka Meertada ee Suuqa COMESA.

Madaxweynaha Zambia ayaa dhigiisa Masar kala wareegay Xilka Meertada ee Suuqa Guud ee Bariga iyo Koonfurta Afrika ee COMESA.

Madaxweyne Hakainde Hichilema waxa uu m Madaxweynaha dalka Masar, C/Fataax Elsisi kala wareegay hoggaaminta Madaxda Dowladaha iyo Xukuumadaha ee dalalka xubnaha ka ah Suuqa Guud ee COMESA.

Munaasabada Xil-wareejinta ee Qalabka Awoodaha ee Guddoomiyihii hore ee COMESA,  ahna Madaxweynaha dalka Masar  ayaa la qabtay, muddadii uu socday Shirweynaha 22-aad ee Madaxda Dowladaha iyo Xukuumadaha ee Suuqa Guud ee COMESA oo ay Dowladda Zambia iyo Golaha Ururka COMESA wada martigeliyeen