1 min read

Wasaaradda Difaaca ee dalkeenna oo qoraal ka soo saartay dhimista ciidanka ATMIS.

Wasaaradda Difaaca Soomaaliya  ayaa war ka soo saartay dhimista ciidanka ATMIS ee ka howlgala dalkeenna, maadaama ciidamada qalabka sida ay awood  buuxdo u leeyihiin la wareegidda amniga guud ee dalka.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu caddeeyay Wasaaradu in ay ka go’an tahay sidii Ciidanka Qalabka sida ay u qaadi lahaayeen  mas’uuliyadda ah in amniga dalka kala wareegaan ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu xusay in ilaa iyo dhamaadka bishan June aynu ku jirno ay dalka ka baxayaan 2,000 oo ka mid ah ciidamada ATMIS, taasi oo qeyb ka ah qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu ahaa 2628 iyo 2670.