1 min read
Sweden oo ku dhow inay noqoto dal ka madax-bannaan cabista sigaarka.
LONDON:- Sweden ayaa qarka u saaran inay noqoto dalkii ugu horreeyey ee Yurub ku yaalla ee aan laga cabin sigaarka, iyada oo ay sii yaraanayso dadka caba sigaarka ee dalkaas u dhashay.
Tallaabadan ayaa timi, ka dib markii dalkaasi uu soo saaray shuruuc ad-adag oo lagu mamnuucayo in lagu cabi karo sigaarka goobaha la isugu yimaaddo, sida barxadaha, goobaha gaadiidka laga raaco, agagaarka cusbitaalada, goobaha shaqada, iwm.