15 Sep, 2025
1 min read

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo hambalyo ku aaddan 1-da Luuliyo u diray shacabka Soomaaliyeed.

Muqdisho : Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska sannad-guurada 63-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed iyo israacii labada gobol ee dalka, taasoo asaas u noqotay curashada Jamhuuriyadda Soomaaliya 1-dii Luuliyo 1960. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dalkan xorriyaddiisa laga soo […]

1 min read

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Uganda Tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Xoogga Dalka.

Muqdisho:- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta dalka Uganda tababar ugu soo xirey 2 guuto oo ka mid noqoneysa Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo uu sheegay Ciidankan oo tiro ahaan dhan 3000 ayuu wasiirka Gaashaandhigga XFS sheegay in dhiig cusub ku soo kordhin doonaan dagaalka Khawaarijta dalka looga xoreynayo. “Wasaaradda […]

1 min read

Howlgal Ciidanka Haramcad ka sameeyeen deegaano ka mid ah G/Shabeelaha Hoose.

Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa maanta howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanno ka tirsan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalladaan oo socday muddo kooban ayaa waxaa lagu burburiyey maxkamad beenaad ay khawaarijta ku lahaayeen deegaanno ka tirsan Degmada Afgooye. Howlgalkaan ayaa ku dhacay si nabad ah,, kadib kolkii ay halkaasi isaga carareen kooxda […]

1 min read

Duqa Minneapolis oo u hambalyo u diray dadka Soomaalida ee ku nool Mareykanka.

Duqa magaalada Minneapolis ee Gobolka Minasoota ee dalka Maraykanka Mr.Jacob Frey oo ka hadlay xaflad lagu maamuusaayey todobaadka xoriyadda ee Soomaaliya ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan dalkaasi. Xafladdaan oo ay qabteen Jaaliyadda Soomaalida ee Mareykanka ,waxaa uu Duqa magaalada si gaar ah ugu diray dowladda Soomaalaiya oo ku howlan […]

1 min read

Itoobiya oo codsatay inay ku biirto ururka BRICS.

ADDIS ABABA : – Itoobiya, oo ka mid ah dalalka Afrika ee dhaqaalahoodu aadka u kobcayo, ayaa codsatay inay ku biirto ururka BRICS ee suuqyada soo koraya, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Khamiistii. “Waxaan filaynaa in BRICS ay jawaab wanaagsan naga siin doonto codsiga aan sameynay,” ayuu saxaafadda u sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda […]

1 min read

Madaxweynaha Ruushka Putin oo si aan laga fileyn ugu falceliyay quraankii lagu gubay Sweden.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa cambaareeyay falkii ka dhacay Sweden ee lagu gubay nuqul kamid ah kitaabka quraanka. Waxaa la baahiyay muuqaal muujinaya Madaxweynaha Ruushka oo aad u amaanaya kitaabka quraanka. Dhowr mar ayuu ku celceliyay in quraanka oo la ixtiraami waayo ay dembi ka tahay dakiisa, marka loo eego waddamada kale. Dalal badan oo […]