1 min read

Maxkamad ciyaaryahan Man City u cayaara ku oogtay inuu kufsaday 10,000 oo haween ah.

Ciyaaryahanka kooxda Manchester City ee ka dhisan Ingiriiska, Benjamin Mendy ayaa kufsi u geystay gabar dhalinyro ah, kaddibna wuxuu ku yiri, “waa iska caadi, waxaan gogol la wadaagay 10,000 oo haween ah“, sida ay sheegtay xeerbeegti.

Sideed iyo labaatan sano jirka ayaa lagu eedeynayaa inuu gabadha oo 24 sano jir ah falkaas ugu geystay gurigiisa oo ku yaalla degmada Mottram St Andrew ee dalka Ingiriiska bishii Oktoobar ee sanadkii 2020-kii.

Waxaa sidookale loo haystaa isku day kufsi haweeney kale oo 29 sano jir ah, ha yeeshee ciyaaryahanka ayaa beeniyay eedeymahaasi.

Maxkamadeyntiisa ayaa ka socota maxkamadda Chester Crown eek u talla Cheshire.