1 min read

Itoobiya oo codsatay inay ku biirto ururka BRICS.

Itoobiya, oo ka mid ah dalalka Afrika ee dhaqaalahoodu aadka u kobcayo, ayaa codsatay inay ku biirto ururka BRICS ee suuqyada soo koraya, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Khamiistii.

“Waxaan filaynaa in BRICS ay jawaab wanaagsan naga siin doonto codsiga aan sameynay,” ayuu saxaafadda u sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Meles Alem, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda ee ENA, isaga oo raaciyay “Itoobiya waxay sii wadi doontaa la shaqaynta hay’adaha caalamiga ah ee ilaalin kara danaheeda.”

Itoobiya ayaa ah dalka labaad ee ugu tirada badan qaaradda Afrika, balse dhaqaalihiisu uu ku jiro kaalinta 59-aad ee dunida, sida ay sheegtay hay’adda lacagta adduunka ee IMF, waxana uu kala bar ka yar yahay waddanka ugu yar xubnaha BRICS ee Koonfur Afrika.

Wadamada BRICS waxay matalaan in ka badan 40% dadka adduunka iyo ilaa 26% dhaqaalaha aduunka.

Erayga BRIC waxa alifay Dhaqaaleyahan Goldman Sachs, Jim O’Neill, sannadkii 2001 si uu u qeexo kor u kaca Brazil, Russia, India iyo China. Awoodaha BRIC ayaa shirkoodii ugu horreeyay 2009 ku yeeshay Ruushka, iyada oo Koonfur Afrika ku biirtay 2010-kii.

Reuters