1 min read

Howlgal Ciidanka Haramcad ka sameeyeen deegaano ka mid ah G/Shabeelaha Hoose.

Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa maanta howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanno ka tirsan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalladaan oo socday muddo kooban ayaa waxaa lagu burburiyey maxkamad beenaad ay khawaarijta ku lahaayeen deegaanno ka tirsan Degmada Afgooye.

Howlgalkaan ayaa ku dhacay si nabad ah,, kadib kolkii ay halkaasi isaga carareen kooxda khawaarijta ee sida dhuumaaleysiga ah u jooga deegaanno ka tirsan gobalka Shabeelaha Hoose.