1 min read

Mareykanka oo sheegay in duqeymo cirka ah ay ka fuliyeen Buulo Mareer.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyay agagaarka Saldhigga ATMIS-ka ee Buulo Mareer 26-kii May.

Sida ay kusoo qoreen mareegtooda rasmiga ah, taliska ayaa sheegtay in weerarka ay ku burburiyeen hub iyo qalab si sharci darro ah u qaateen Al-Shabaab.

Taliska Mareykanka ayaa sheegay in weerarka aysan wax dhibaaato ka soogaarin dad shacab ah.