1 min read

Taliye xigeenka ciidanka Boliiska iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka jabuuti.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif) iyo Wafdi Saraakiil Boliis ah oo uu Hoggaaminayo ayaa gaaray Dalka Jabuuti.

Safarka taliyaha iyo xubnaha sarakiisha ah ee la socda ayaa ujeedka safarkoodu yahay ka qeybgalka Xaflada Xiritaanka Tababarka dufacadii 18-aad ee Daraawiishta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed (MIADIT 18), Ciidankaas oo in muddo ah tababar u jooga dalka Jabuuti, kuwaas oo dhawaan dalka dib ugu soo laaban doona.