1 min read

Cayaar dhiirigelinaysa addoonsiga oo caro ka dhalisay Brazil.

Google ayaa ka saartay App Store ciyaar muran badan dhalisay oo lagu magacaabo Slavery Simulator ka dib markii ay qeylo dhaan ka keentay Brazil.

Magnus Games oo qofka u oglaanayay inay “iibsadaan ayna iibiyaan” jilayaasha madow,ayaa waxaa la bilaabay 20-kii Abriil.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in ciyaarta la soo degsaday in ka badan 1,000 jeer ka hor inta aan la saarin Arbacadii.

Dalka Brazil ayaa wali la heshiinaya dhaxalkii ay ka dhaxleen addoonsiga, maadaama addoonsiga laga saaray dalkaas sanadkii 1888-kii.