1 min read

Wasaaradda Waxbarashada oo soo saartay War-saxaafadeed la xiriir Imtixaanka Shahaadiga ah ee sanadkan oo bilowday.

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha yo Taclinta Sare waxa ay guul weyn u rajaynavsaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee maanta oo ah 27ka bisha Maajo, 2023, u fariisanaya imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad, ee sannad-dugsiyeedka 2022/2023. Waxa ay Wasaaraddu sidoo kale bogaadinaysaa mas’uuliyiinta, hawlwadeenada, iyo ciidamada ammaanka ee maanta u taagan sidii ay ardaydu u heli lahaayeen jawi deggan oo habsami leh, oo ay imtixaanka shahaadiga ku galaan.

Waxa maalmihii la soo dhaafay jiray arday, sida ay warbaahinta iyo baraha bulshada la wadaageen, ka cabanayay in laga reebay liiska ardayda u fariisanaysa imtixaanka shahaadiga ah, ee fasalka 12aad ee sannad-dugsiyeedkan 2022/2023.

Wasaaradda Waxbarashada waxa ay baaris ku sameeysay cabashooyinkii ardaydan, waxaana u caddaatay in ardaydani aysan soo marin habraacii sharciga ahaa ee sooyaalka waxbarashada, xogtooda ardaynimana aysan ku jirin xog-kaydiyaha guud ee waxbarashada dalka (EMIS).

Waxaa ay Wasaaraddu baaris ku waddaa dugsiyadii sida baalmarsan sharciga sooyaalka iyo hannaanka waxbarashada dalka ku kacay, ee ardaydan aanan xogtooda la haynin ay wax ka baranayeen. Dugsigi ay ku caddaato in ay mas’uul ka yihiin fal-dambiyeedkan, waxaa la la tiigsan doonaa sharciga.

Wasaaradda Waxbarashadu waxa ay u taagan tahay ilaalinta hufnaanta habraaca waxbarshada dalka. Sidaa darteed, Wasaaradda Waxbarashadu waxa ay ku wargalinaysaa waalidka Soomaaliyeed in ay si weyn uga feejignaadaan dugsiyada aanan raacaynin habraaca iyo hannaanka sharciga ee u yaalla waxbarashada dalka, had iyo goorna ay hubiyaan sugnaanta xogta ardaynimo ee ubadkooda.

Ugu dambayntii, waxa ay mar kale Wasaaradda Waxbarashadu guul u rajaynaysaa dhammaan ardayda Soomaaliveed ee sida habsamida u soo dhamaystay waxbarashadoodii 12 ” sanno, ee manta imtixaanka ugu dambeeya dugsiga sare u fariisanayo.