1 min read

Howlgal qorsheysan oo laga fuliyay deegaanno hoostaga degmada Kuntuwaaray.

Howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamiga ah, oo isugu jira Cirka iyo Dhulka, ayaa laga sameeyay ilaa iyo Afar deegaan, oo hoos taga degmada Kuntuwaaray ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

Sid ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya Howlgalka, ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 30 ka tirsan dagaal yahanada Al-Shabaab, waxaana lagu bur-buriyay Gaadiid waday saanad Ciidan oo kala duwan.

Wuxuu daba socday Howlgalkaan weerar saaka ay Al Shabaab ku qaadeen xero ciidanka ATMIS ku leeyihiin magaalada Buula Mareer ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Alshabaab ayaa weeraro gaadmo ah ku qaadda fariisimada ciidamada dowladda Soomaaliya, iyo kuwa kale ee ka socda Midowga Afrika.