1 min read

Dowladaha Soomaaliya iyo Ruushka oo ka wada hadlay Heshiis Iskaashi oo dhexmara labada Dal.

Wasiiradda Arrimaha Dibeda ee Soomaaliya iyo Ruushka ayaa shir ku yeeshay Moscow.

Kulanka ayaa yimid kadib markii wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibeda ee Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse ay safar shaqo ku tageen halkaas.

Wasiirka ayaa la kulmay wasiirka arrimaha dibeda ee Ruushka Sergey Lavrov.

Waxay ka wada hadleen abuurista iyo horumarinta xiriir iskaashi oo ku dhisan ‘is-qadarin iyo wax wada qabsi’ sida lagu sheegay qoraal kooban oo lasoo dhigay bogga wasiirka arrimaha dibeda ee Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse.