1 min read

Ciidamada ATMIS oo faah faahin ka bixiyay weerarkii Buulo Mareer.

Hawlgalka ciidanka Midowga Afrika Soomaaliya ee ATMIS, ayaa sheegayin saaka abaare 5-tii aroortnimo, in saldhig ay ku leeyihiin Buulo Mareer oo katirsan gobolka Shabeelaha Hoose ay soo weerareen Al Shabaab, iyago u isticmaalay qaraxyo, iyo dad iyaga qudhooda is qarxiyey.

Gurmad u yimid ciidanka ATMIS, ayaa u saamaxay iney burburiyeen dagaal yahanadii iyo hubkii ay kusoo weerareenba.

Hawlgalka ciidakna Midowga Afrika, ayaa sheegay iney haatan iyagu gacanta ku hayaan goobtii uu weerarku ka dhacay.

Buulo Mareer, ayaa kaga beegan 120km dhanka koonfur galbeed magaalada Muqdisho.