1 min read

Ma Run baa in Al-Shabaab lagu arkay bartamaha Buulo Mareer.

Dad ku sugan gudaha magaalada Buulo Mareer ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa BBC-da u sheegay inay arkayaan dagaalamayaal ka tirsan kooxda oo gaaf wareegaya bartamaha magaalada.

Arintan ayaa timid kaddib markii kooxdu weerar culus saaka ku qaaday saldhiga ciidamada Ugandha ay ku leeyihiin Buulo Mareer.

Goobjoogayaal ayaa BBC-da u sheegay in ugu yaraan sedex qof oo rayida ay ku dhaawacmeen dagaalka saaka ka dhacay Buulo Mareer.

Alshabaab waxay sheegeen inay cagta mariyeen saldhiga ciidamada Ugandha, isla markaana ay si buuxda gacanta ugu hayaan Buulo Mareer.

Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada ATMIS iyo Dawladda Soomaaliya oo ku saabsan wixii saaka ka dhacay Buulo Mareer.