1 min read

Wasiirka Waxbarashada oo kulan dardaaran ah la qaatay Saraakiisha Taliska ciidanka Booliska.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa maanta kulan la yeeshay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Saraakiisha loo diyaariyey in ay ka shaqeeyaan Amniga iyo Amaanada Imtixaanka.

Wasiir Faarax iyo Sareeyo Guuto Sulub Axmed Firin ayaa Saraakiisha kula dar daarmay in ay mas’uul ka yihiin bad qabka ardayda iyo amaanada Imtixaanka, waxa ay sidoo kale fareen in ay ardayda ula dhaqmaan sida ugu wanaagsan oo aysan khal khal galinin ardayda.

Saraakiishan ayaa ka shaqeyn doono 114 xarumood oo loo diyaariyey in ay Imtixaan ku galaan 34,000 oo arday, kuwaasoo ku kala yaalla Caasimadda iyo Gobollada dalka.