1 min read

RW Xamsa “Xukuumadaydu waxay xoogga saartay hirgelinta lix tiir oo ka mira dhalintooda ay u horseedi karto Soomaaliya in …” (Shirka Sharma El Sheik)+Sawirro

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo ka hadlay madasha shirka Sharma El Sheikh ayaa ku nuuxnuuxsaday ahmiyada ay leedahay in Bangiyada Horumarinta ay noqdaan kuwo  ka jawaaba caqabadaha la soo gudboonaada dal.

Ra’iisul Wasaaraha oo dood-cilmiyeed kala qaybgalay Ra’iisul Wasaareyaasha Masar, Rwanda, Burundi, Madaxweynaha Comoros iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Tanzania, ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay xoogga saartay hirgelinta lix tiir oo ka mira dhalintooda ay u horseedi karto Soomaaliya horumar iyo barwaaqo.

Mudane Xamse oo madaxda kala duwan ee madasha ka soo qaybgashay la wadaagay sida ay dowladdiisu guulo la taaban karo uga soo hoysay horumarinta dhaqaalaha iyo wax ka qabashada isbeddelka cimillada, si looga baaqsado fatahaadaha soo noqnoqda iyo abaaraha dabadheeraaday.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in wadamada ka soo kabanaya colaadaha ee ku jira dowlad dhiska sida Soomaaliya oo kale ay dhibaatooyin badan kala kulmaan sidii ay dib ula soo qabsan lahaayeen nidaamka dhaqaalaha adduunka.