1 min read

Shirka maayarada Soomaaliya oo maalintii labaad ka socda Muqdisho .

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi oo goordhow Muqdisho ku daah furay kulanka 2-aad ee madasha maayarada Soomaaliya, ayaa sheegay in ka qeybgalka shirweynahaan ee maayarada ka socda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ay muujineyso sida Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka ah ay u ilaalineyso Fedaraaleynta dalka isaga oo intaa raaciyay.

“Ujeedada ugu weyn ee Madashaani waa Maayarrada Magaalooyinka iyo Degmooyinka Soomaaliya ay helaan madal ay, iyagu leeyihiin ku wadaagi karaan aragtidooda, khibradooda, sidoo kalana ay noqoto meel ay isugu gudbiyaan wixii ay isku biirin karaan. Sidoo kalana ay noqoto meel ay ku midayn karaan cuduradooda ka Gudoomiyaal Degmo, ayna ku wada raadsadaan wixii taageero lagama maar-maanka u ah horumarinta siyaasadaha magaalaysinka iyo barnaamijyada kale ee Dawladaha xubinta ka ah Federaalka Soomaaliya iyo Magaalada Caasimadda ee Muqdisho”.

Shirka Madashan, ayaa waxaa ka qeybgalaya 19 Maayor oo degmooyinka iyo caasimada dalka ka kala socda iyo Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha Dawlad goboleedyada iyo hey’adaha caalamiga ah ee buxiyaan mashaariicda degmooyinka.