2 mins read

Go’aankii la mahdiyay ee joojinta qul-qulka hubka caasimadda (Warbixin).

Muqdisho oo muddo badan maaro u la’ayd argagixiso iyo maleeshiyaad magac dila ayaa hadda u muuqata mid ka soo kabaneysa wixii maalmo hore tegay soo maray. Ka dib markii ay maanta u kaceen madax iyo ciidamo qaranku u gaar yeelay magaaladan si loo xaqiijiyo amnigeeda.

” Xukuumaddu qaraar waxay gaartay Baladka hubka lagu dhex wato in la xakameeyo, amni-darada aragtida ka mid ah, qofka inta uu arkaayo baabuur Dhashiiko ah oo toban wiil saaran tahay oo qoriga Dhashiikaha ku dhegan oo waddada Maka Al-mukarama dhex cararaayo,qofna laguma qancin karo magaaladan ammaan waaye,” ayuu yiri madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud.

Ciidamada amniga oo fulinaya amarka madaxweynaha ayaa qaaday tallaabooyin lagu yareynayo hubka waa-weyn ee magaalada dhex yaaci jiray ka hor amarkaas, waxayna ciidamada xasillinta ee loo gaar yeelay magaaladan si joogta ah u hubiyaan dhaqan galka  go’aankaas.

Taliyaha Booliska gobolka Banaadir ayaa wax weyn ku tilmaamay meel marinta sharciga xakameynta hubka, isagoo uga mahadceliyay madaxweynaha JFS iyo golaha wasiirada, wuxuuna ku tilmaamay mid xal loogu helay sugida amniga Muqdisho.

” Marka hore, waxaan u mahadcelinayaa madaxweynaha qaranka iyo golaha xukuumadda oo runtii xakameynta hubka meel mariyay uu madaxweynuhuna ku dhawaaqay naguna garabsiiyay, mushkilo ma jirin ilaa hub ayay ahayd, kantaroolada waa lagu marayay, shacabka Soomaaliyeed waddo gaari lagu furanayay lagu dilayay,  hubkaas in la soo saaro oo sharcigaas la meel mariyo wax weyn ayay inoo ahayd,”.

” Waxaa reeban in la qaato qoriga ama la isticmaalo gaadiidka uu ku rakiban yahay qoriga Dhashiikaha iyo qoryaha ka sii waa weyn, waxaa reeban in la isticmaalo qoryaha Baasuukaha dheh ama RBJ-ga in magaalada lagula dhex socdo oo lagula dhex laaf-yoodo oo madaxaa lagu ilaalinaa la dhaho ayaa reeban,waxaa kale oo reeban qoryaha daran-dooriga u dhaco oo BKM-ka ka mid yahay iyo wixii lanmid ah ayaa reeban,” ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Col. Shuute.

Maamulka gobolka Banaadir oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha gobolka ahna Duqa Muqdisho ayaa ka mahadceliyay xeerka xakameynta hubka iyo sida looga dareemay amniga caasimadda, wuxuuna si gaar ah u ammaanay ciidanka gaarkanah ee juhdiga ku bixiyay in caasimadda laga tir-tiro falalkii argagixisadu ka geysan jirtay iyo kooxihii kale ee qaswadayaasha ahaa.

Sidoo kale, shacabka magaalada Muqdisho ayaa dareemay neecowda nabadda,iyagoo ku bogaadiyay hay’adaha ammaanka sida hagar la’aanta ah ee mas’uuliyad isaga saareen sugida amniga.