1 min read

Dowladda Ruushka oo ciidamadoodu la wareegeen magaalada Bakhmut.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u hambalyeeyay ciidamada Ruushka iyo dagaalyahanada calooshood u shaqeystayaasha ah ee qabsaday magaalada Bakhmut ee Ukraine .

Kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner ayaa guul sheegatay Sabtidii.

“Vladimir Putin wuxuu u hambalyeeyey cutubyada weerarka ee Wagner iyo sidoo kale dhammaan adeegayaasha cutubyada ciidamada qalabka sida ee Ruushka kuwaas oo siinaya taageerada lagama maarmaanka ah iyo dhamaystirka howlgalka lagu xoraynayo Artemovsk [magaca Soofiyeedka ee Bakhmut]’Wakaaladda wararka ee Ruushka TASS ayaa sidaas sheegtay, iyadoo soo xiganaysa bayaan ka soo baxay Kremlin-ka.