1 min read

Turkiga:Doorashada wareega labaad oo bilaabaneysa.

Cod bixinta wareega labaad ee doorashada madaxweynaha ayaa maalinta sabtida ah ka bilaabmi doonta xarumaha wakiilada iyo kastamka dalka dibadiisa.

Codbixintu waxay socon doontaa ilaa 24ka May.

Sida uu sheegay guddiga sare ee doorashada (YSK), sanaadiiqda cod bixinta waxaa la dhigi doonaa ilaa 167 goobood oo ka mid ah 151 wakiillada Turkiga ee 73 waddan.

Ka dib marka ay dhamaato habka cod bixinta ee dibadda, codadka waxaa la geyn doonaa Turkiga , iyadoo si weyn loo sugayo amniga sanaadiqda.