1 min read

Yaa yiri: Somaliya shaqo ma taal.

Haddii aadan leheyn Xildhibaan, Sareeye, Suldaan, Sowja madaxeed oo sukeeysa kuu ah, Sixiroole Madaxda seexiyo, iyo…

Waxaa kuu banaan Xirfadahaan Afarta ah:

1. Cirka Calaamdeey.(F.S:1aad)
2. Badda Nadiifi. ( F. S:2aad)
3. Isbatriibada Kaligaa Iskoobe ku xaaq.( F. S: 3aad)
4. Hinjigaan Horuu riix.(F.S:4aad)

Xilalka sarsare waa (Free Size) Qof kastaa qaban karo, uma Baahno Aqoon iyo waaya aragnimo. Wixii aad khaladana laguuma heysto.

waxaa Suura gal ah in Aniga la ii magacaabo Madaxa Qaliinka Cuduradda ku dhaco Uur ku jirka, laakin, waa la hubaa Qof aan Qaliin u sameeyay in aynan mar dambe Laba talaabo is daba dhigeeyn. Xilalka Dad badan hayaanna waa la mid looma fiirin, Aqoon, waaya aragnimo iyo Akhlaaq ay Masuuliyadi ka muuqato.

Xilalka sare Badanaa waa “Free Size” Shaati Qof walba u galo, Qurux iyo Qaab lagama rabo ee Qabiilaa la qancinaa, Qaranna waa la khiyaamaa.

Waxaa kale oo jiro Badeeco loogu shaqeeyo Dowladda ama looga shaqeysto Dowladda. ( F. S: 5-8)

Qunful waliba Fure aan kiisii aheyn ayeey Somalidu Rabtaa in ay ku furto. ( F. S: 9-15aad)

Qonfulkaan Xilka ah waxaa soo dalbatay 13 musharax, keed sii leheyd si uu u furo? ( F. S: 16aad.

FG: Wixii aan ka khalday ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir