1 min read

Ruushka oo amaray in la soo xiro Dacwad-Oogaha Guud ee Maxkamadda ICC.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Raashiya ayaa soo saartay Waaran ama Amar Soo-qabasho oo lagu soo xirayo Kariim Asad Ahmed Khan oo haatan ah Dacwad-Oogaha Guud ee Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyada (The International Criminal Court (ICC) ee ku taalla magaalladda The Hauge ee dalka The Netherlands.

Dacwad-Oogaha Guud ee ICC oo  ah Muwaadin British asalkiisu Pakistani yahay  waxa uu bishii March ee la soo dhaafay soo saaray Amar Soo-qabasho oo lagu soo xirayo  Madaxweynaha dalka Raashiya, Vladimir Putin iyo Haweeneyda lagu magacaabo Maria Lvova-Belova oo ah Madaxa Hay’adda Raashiya ugu qaabilsan Arrimaha Xuquuqda Carruurta (The children’s rights commissioner).

Madaxweyne Putin iyo Maria Lvova-Belova waxaa lagu soo oogay inay galeen Dembiyo Dagaal oo ah, iyagoo carruur u dhashay dalka Ukraine si aan Sharci ahayn uga masaafuriyeen Deegaanada La-haysto ee Ukraine, iyagoo carruurtaasi u daad-gureeyey gudaha dalka Raashiya.

Si kastaba ma cadda Qaabka ay Dowladda Raashiya ugu suurto-geli doonto inay soo qabtaan Dacwad-Oogaha Guud  Maxkamadda ICC, Karim Asad Ahmed Khan ee 53 jirka ah.