1 min read

Madaxweyne Deni “Ma jirto cid is hor-istaagi karta qabashada doorashooyinka qof iyo codka ah”

Iyada oo weli khilaaf uu ka taagan yahay arrimaha doorashooyinka ee qof iyo cod ee degaannada dowlad Goboleedka Puntland ayaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu sheegay in doorashooyinka waqtigii loogu talo galay ay ku dhici doonaan.

Madaxweyne Saciid Deni oo booqasho ku maraya degaano katirsan Gobolka Bari ayaa waxaa uu sheegay in Puntland ay xilligaan ku tallaabsatay horumar ballaaraan, isla markaana muddo 50 sano kadib ay qabsan doonto dooashooyin qof iyo cod ah.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu hadalkiisa u intaasi kudaray in Puntland ay qabsan doonto doorashooyinka qofka iyo codka ah, ayna jiri doonin cid hor-isstaagi karta.

Doorashooyinka qofka iyo codka ayaa loo ballansan yahay in 25-ka Bishaan ay ka billaawdaan degaannada Puntland, hayeeshee waxaa siwyen doorashooyinka uga soo horjeeda siyaasiyinta mucaaradka Puntland.